1068 Views

Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kusoo wajahan muqdisho

Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kusoo wajahan muqdisho
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 20, 2021 —Maalinta berito oo Sabti ah ayaa waxaa la filayaa in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha wadatashiga oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleed & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shalay ayaa qorsuhu ahaa in uu shirka furmo, balse uu dib u dhacay, waxaana Magalada Muqdisho ku sugan, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha, Hir-Shabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed & Guddoomiye Cumar Filish.

Saacadaha soo socda ayaa waxa la filayaa inay magaalada muqdisho so gaaraan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo shirka qeyb ka ah.

Shrka Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa waxaa looga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post