1005 Views

XILDHIBAAN  “Labada shaqsi ee la hadal hayo in loo magacaabo xilka RW-ha,  middi  wuxuu qabaa marwada 1-aad habaryarteed, kan kalena waxa uu qabaa Madaxwaynaha habaryartiis”

XILDHIBAAN  “Labada shaqsi ee la hadal hayo in loo magacaabo xilka RW-ha,  middi  wuxuu qabaa marwada 1-aad habaryarteed, kan kalena waxa uu qabaa Madaxwaynaha habaryartiis”
____________________________________________________________________________

Qaranimo Online | August 11, 2020 – Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, oo magaciisa in la xuso ka gaabsaday sababo la xiriir amnigiisa, ayaa soo bandhigay wax uu ku sheegay qorshaha siyaasadeed ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo, isaga oo Madaxwaynaha ku eedeeyey inuu goor iyo ayaan-ba ku taamayo muddo kororsi iyo inuu xilka ku sii nagaado.

“MC Farmaajo in muddo kororsi loo sameeyo darteed  wax walba ayuu u sameynayaa, dalku maanta uma baahna qof kursiga isku dhejiya ee wuxuu u baahan yahay qof sharciga iyo dastuurka ilaaliya, tusaale fiicanna u noqdo kuwa isaga ka dambeeya” Ayuu yiri Xildhibaankaas, wuxuuna intaasi raaciyay in Madaxweynaha iyo la-taliyayaashiisa ay col-leysteen cid kasta oo aan iyaga ku fikir ahayn, kuwa ay soo dhoweysanayaan ay yihiin kuwa xilalka un laxa-jeclo u qaba.

“Labada shaqsi ee sida wayn loo hadal hayo in Madaxweynuhu qorshaynayo inuu u magacaabo xilka RW-ha,  middi  wuxuu qabaa marwada 1-aad habaryarteed, kan kalena waxa uu qabaa Madaxwaynaha habaryartiis, dadka ka wada shaqeeya madaxtooyadda ama waa ku reer, ama waa xiddid. Dal 30 sanno ku soo jiray fowdo, cadaalad darro, eex iyo qabyaalad haddaad tiraah waxaan ku daweynayaa isla cudurkii uu u dhintay taasi xal noqon mayso. Maxaa u diiday Madaxwaynaha iyo la-taliyayaashiisa in dadka xilalka muhiimka ah qabanaya aan loo eegin qabiil ee lagu qiimeeyo aqoon iyo karti ? ” Ayuu yiri xildhibaankaasi, isaga oo intaasi ku daray in qof kasta ee dalka madax ka noqdo uu waqti koobban xilka haynayo, laguna xasuusan doona wixii uu ka tegay.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Yurub

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post