2274 Views

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda oo xariga ka jaray xarumaha adeegga bulshada ee Deyniile iyo Dharkiinleey

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda oo xariga ka jaray xarumaha adeegga bulshada ee Deyniile iyo Dharkiinleey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18 Abriil, 2018 — Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Benaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Deyniile iyo Dharkiinleey ee Gobolka Benaadir.

Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hir geliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabadan lagu hirgeliyey xarumahan ay qeyb muhiim ah ka tagay aragtida horumarineed ee Guddoonka Gobolka, isagoona xaqiijiyey in Maamulka Gobolku ay dhawaan ka hirgelin doonaan Xafiiska Adeegga Bulshada dhammaan 17ka Degmo ee Gobolka Benaadir.

“Mudaddi boqolka maalmood ahayd ee Guddoomiye Yarisow uu xilka hayey waxaa noo suurta gashay in aan ka furno todoba degmo oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir xafiisyada adeegga bulshada, taas oo ka tarjumeysa sida ay nooga go’antahay in aan daadajinno adeegyada uu bixiyo Maamulka Gobolku, tani oo meesha ka saareysa culeyska iyo dhibaatada ay kala kulmi jireen shacabku helitaanka adeegyada asaasiga u ah.” Ayuu yiri Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda.

Munaasabadda furitaanka xarumahan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dayniile, Dharkiinleey iyo Agaasimaha dakhliga Gobolka Benaadir.

Dadka ku nool degmooyinka Deyniile iyo Dharkiinleey ayaa soo dhaweeyey xafiisyadan looga hirgaliyey deegaannadooda iyagoona tilmaamay in ay ka fududeeynayso caqabadihii ay horey ugala kulmi jireen helitaanka adeegyada ay uga baahanyihiin Maamulka.

adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-1 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-14adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-2 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-9 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-6adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-3 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-13 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-15 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-12 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-8 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-5 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-10 adeega-bulshada-daynile-dharkeynleey-7

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment