705 Views

Barakac ka bilaawday degaano ka tirsan Gobolka Gedo

Barakac ka bilaawday degaano ka tirsan Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Wararka naga soo gaaraya dagmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo aya waxaa ay sheegayaan in cabsi ay soo food saartay Shacabka halkaasi ku dhaqan ayna kabarakacayaan, iyaga oo ka cabsi qaba in marka kale uu halkaasi uu dagaal ka dhaco

25-kii Bishaan dagaal xoogan oo ka dhacay  degmada Beledxaawo ayaa khasaaraha ugu badan  waxaa uu kasoo gaaray  qaar kamid ah Shacabka ku nool degmadaasi Beledxaawo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee  dhinaca Dowladda  Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in barakaca Shacabka Beledxaawo ay keentay hanjabaadii Wasiirka Amniga Jubbaland ay aheyd inay weerarayaan  Beledxaawo.

Sidoo kale In kastoo xaalada degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ay tahay mid degan ayaa hadana Bulshada Magaalada ayaa waxaa ay qabaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post