249 Views

Xulka Japan oo guuldarro lama filaan ah dusha u saaray Xulka Germany oo ka mid ahaa kuwa yurub ugu Waawayn

Xulka Japan oo guuldarro lama filaan ah dusha u saaray  Xulka Germany oo ka mid ahaa kuwa yurub ugu Waawayn
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 23, 2022

Japan ayaa guuldarro lama filaan ah ku dhufatay Germany, oo ah mid ka mid ah dalalka loo saadaalinayo Koobka Adduunka, cayaartii koowaad ee Group E.

Cayaarta oo ku dhamaatay 2-1, ayaa waxaa goolka ku hormaray Germany oo daqiiqaddii 33-aad uu u dhaliyey Ilkay Gundogan, goolkaas oo ahaa rigoore.

Hase yeeshee, Japan ayaa sameysay soo laabasho aan caadi aheyn, qeybtii dambe cayaarta, ayada oo laba gool oo deg deg ah dhalisay daqiiqadadii 75-aad iyo 83-aad ee cayaarta.

Cayaarta labaad ee Group E ayaa dhex-mari doonta Spain iyo Costa Rica, hase yeeshee inta ka horreysay waxaa 3 dhibic ku hoggaaminaya Japan.

Sidoo kale, waxaa dhacday cayaar ka tirsaneyd Group F, oo ay isku arkeen Morocco iyo Croatia, taasi oo la isku mari waayey 0-0.

Cayaarta labaad ee Group F ayaa dhexmari doonta Belgium iyo Canada.
Koobka Adduunka ayaa waxaa ka dhacaya natiijooyin lama filaan ah, waxaana shalay sidoo kale ay Saudi Arabia ka badiyeen Argentina iyo Lionel Messi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post