396 Views

Siyaasi caan ah oo xabsiga la dhigay ka dib dibadbaxyo ka dhacay Uganda

Siyaasi caan ah oo xabsiga la dhigay ka dib dibadbaxyo ka dhacay Uganda
____________________________________________________________________________

Talaado: May 24, 2022

Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Dr Kizza Besigye ayaa la xiray maanta oo Talaadado ah isagoo isku dayay inuu hoggaamiyo dibadbax ka dhacay caasimadda Kampala, kaas oo looga soo horjeedo qiimaha maciishada.

66 jirkaan ayaa afar jeer madaxtinimada kula tartamay Yoweri Museveni.

Wuxuu ahaan jiray dhakhtarka gaarka ah ee Mr Museveni, marar badan ayaana xabsiga la dhigay.

Dr Besigye ayaa yimid mudaharaadkii Talaadadii isagoo wata gaadhigiisa, wuxuuna sababay in ganacsigii aagga deegaanka uu istaago, sida uu sheegay wargeysa Daily Monitor.

Booliska Uganda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay gacanta ku hayaan Dr Besigye oo loo haysto eedo la xiriira hurinta rabshadaha.

Balse wali kama uusan hadlin warkan booliiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post