1434 Views

China oo digniin culus u dirtay Canada

China oo digniin culus u dirtay Canada
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 09, 2018—China ayaa waxa ay wacad ku martay in Canada ay cawaaqib xun kala kulmi dooonto sii heynta Madaxa fulinta maaliyadda ee shirkada Teknolojiyada China laga leeyahay ee Huawei oo ay kowda bishaan Canada ku xirtay dalkeeda.

Canada ayaa xirtay Marwo Meng kadib markii ay Mareykanka ka codsadeyn in loo xiro, waxa ayna ku eedeeyeen in shirkadeeda ay qalab ka iibisay shirkad kale oo jabisay cunaqabteynta Mareykanka uu kusoo rogay dalka Iran.

China ayaa sheegtay in Canada ay u dan leedahay in ay hoos u dhigto ganacsiga China taasina aynan aqbali doonin oo ay ka shalaay doonaan hadii aynan sida ugu dhaqsiyaha badan usii deyn.

“In la iska xirto muwaadin u dhashay China ma ahan wax aan aqbalayno, waxaana Canada u sheegeynaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan usii deyso Meng” ayaa lagu sheegay war kasoo baxay aqalka looga arrimiyo dalka China.

Ilaa iyo haatan Canada kama aysan jawaabin digniinahaasi ay China usoo dirtay.

 

XIGASHO: South China morning post.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment