1131 Views

SAWIRO:-Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Gobolka Gedo

SAWIRO:-Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 18, 2020 –Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Ee Gobolka Gedo Janaraal Maxamed Cadow Cali Sanka, ayaa Maanta waxaa uu kulan xog-wareysi ah la qaatay Maamulka degmada Doolow iyo Saraakiisha Ciidamada.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidamada Gorgor ee dhawaan la geeyey degmadaas ayaa waxaa looga hadlayay xaalada amni ee Gobolka Gedo iyo sidii loosii xoojin lahaa.

 

Sidoo kale Taliyaha,Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada ayaa waxaa ay isla garteen in wada-shaqyen dhow la isla yeesho,isla markaana laga hortago cid kasta oo amniga lidi ku ah,sidoo kale in la kordhiyo la-dagaalanka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay Ciidamo farabadan geysay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo,waxaana tallaabadaas ku dhaliilay dad u badan Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment