333 Views

Xulka Qadar oo hartay cayaaraha aduunka iyo Neymar oo seegaya laba kulan Sacuudiga Vs Poland

Xulka  Qadar oo hartay cayaaraha aduunka iyo  Neymar oo seegaya laba kulan Sacuudiga Vs Poland
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Waddanka Qadar oo martigelinaya ciyaaraha Koobka Adduunka ayaa shalay haray, kadib markii xulka Senegal ay 3-1 ku sagootiyeen, taas oo sababtay niyad jabka taageereyaasha marti-geliyaasha ah.

Xulka Mareykanka ayaa isna barbar dhac 0-0 ah la galay xulka Engaland oo toddoobaadkii hore 6-2 uga soo badiyay Iran, halka xulka Wales ay guuldarro 2-0 ah kala kulmeen Iran.

Dhinaca kale, weeraryahanka xulka Brazil Neymar ayaa seegaya labada kulan ee soo socota ee xulkiisu la ciyaari doono waddamada Camaroon iyo Swetzerland, kadib markii dhaawac uu kasoo gaaray aanqawga ciyaartii ay 2-0 kaga soo badiyeen Serbia.

Maantana, xulka Sacuudi Carabiya oo hore uga soo badiyay Argenina ayaa la ciyaaraya dhiggooada Poland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post