903 Views

Booliska Somalia oo ka hadlay qaraxa ka dhacay Muqdisho

Booliska Somalia oo ka hadlay qaraxa ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed  Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxa ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah, hayeeshee uusan faah faahin cidda qaraxa lala beegsaday.

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya oo markii hore u xirneyd Isgoyska Ceelgaabta ayaa sii xoojiyay, waxaana ay u diidayaan dadka iyo Gaadiidma intaba.
Khasaaro isugu Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo isugu jira Askar iyo dad Shacab ah oo wadada marayay.
Qaraxa ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab ayaa kusoo aadaya xilli waddooyinka soo gala Isgoyska Ceelgaabta Maanta loo xiray doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka socota Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post