999 Views

Taliyaha Booliska oo xaqiijiyay in gacanta lagu hayo eedeysanayaal falal dil ah loo heysto

Taliyaha Booliska oo xaqiijiyay in gacanta lagu hayo eedeysanayaal falal dil ah loo heysto
____________________________________________________________________________


Sabti: December 4, 2021

Taliyaha Ciidanka Booliska General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidanka ay gacanta ku hayaan Askartii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilalkii xalay iyo caawa loo geystay 3-muwaadiniin ah.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Waxaa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan ka dib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska.

“Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh”

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post