1386 Views

Wafdiga Midowga Afrika oo Xukuumadda Somalia kala hadlay Mustaqbalka AMISOM

Wafdiga Midowga Afrika oo Xukuumadda Somalia kala hadlay Mustaqbalka AMISOM
____________________________________________________________________________

Wafdiga Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo booqasho Saddex maalmood ah ku jooga Soomaaliya ayaa saaka la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud.
Kulanka ayaa labada dhinac waxyaabaha ay uga hadleen waxaa ka mid ahaa mustaqbalka AMISOM ee 2021-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa wafdiga Midowga Afrika Warbixin ka siiyay xaaladda Amni ee Soomaaliya iyo qorshaha AMISOM ee Soomaaliya.
Wafdiga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Safiirka Masar u jooga dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad ayaa soo gaaray Muqdisho shalay 8-dii October 2021, iyaga oo bilaabay kulamo kala duwan.

Xubnaha wafdiga ka socda Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa inay saacadaha soo socda la kulmaan madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xusid mudan tahay in bilihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay isku fahmi waayeen habka loo wajahayo Mustaqbalka AMISOM iyo la wareegitaanka Ciidamada dowladda Soomaaliya ee amniga dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post