933 Views

Dowladda Soomaaliya oo Safiir cusub u magacawday Washington

Dowladda Soomaaliya oo Safiir cusub u magacawday Washington
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Dowladda Soomaaliya ayaa Safiir cusub u magacawday magaalada Washington ee dalka Mareykanka, kaddib muddo sanad ah oo xilkaas Danjirnimo uu bannaanaa.

 

Amb. Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington, waxaana uu noqonayaa safiirkii 3aad oo muddo afar sano gudahood ay si rasmi ah dowladda Soomaaliya u magacawdo Mareykanka.

 

Cali Shariif ayaa horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Itoobiya oo muddo todobo bilood ahaa iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Faransiiska.

 

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu u ambabaxo dalka Mareykanka, si kaalinta Danjirnimo ee muddo bannaanaa uu u buuxiyo.

 

Tan iyo horaantii sanadkii 2018 xilka Safiirnimo ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid bannaanaa, kaddib markii Safiirkii xilkaas hayay Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment