2919 Views

Guddoomiye Mursal Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Guddoomiye Mursal Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 13, 2019 –  Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxa dib ugu soo laabtay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmihii la soo dhaafay Safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiye Mursal uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Fedrraalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maalmihii la soo dhaafay Safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Jordan,isagoo halkaas kulamo kula soo qaatay Madax ka tirsan dalalkii uu tegay.

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment