2448 Views

Xog-hayihii Hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan Sagootin ah loo Sameeyay

Xog-hayihii Hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan Sagootin ah loo Sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 23, 2018 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan Qaar ka mid ah Gollaha Wasiirradda iyo dhammaan Shaqaallaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad Afur ah oo lagu sagootinayay xog-hayihii Joogtada ee Xafiiska R/W Maxamed Kaynan oo shaqada ka tegay, sidoo kalena waxaa lagu soo dhaweyay xog-hayaha cusub ee loo magacaabay xilkaas Axmed-nuur Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa ku amaanay Maxamed Kaynaan sidii mas’uuliyadda lahayd ee uu u waday shaqada, isagoona ku sifeeyay in uu yahay mas’uul shaqo badan, deggan, go’aan qaadasho wanaagsan leh, jecelna horumarka dalkiisa, waxbadana ka qabtay isbedelka horumarineed ee xafiiska mudadii uu shaqada joogay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay xog-haya cusub ee maanta xilka la wareegay, waxuuna kula dardaarmay in uu shaqada kasii wado meesha uu uga tegay xog-hayihii hore, si loo wada gaaro hadafka guud ee dowladda, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyadda ay u baahan yihiin.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiiyay Maxamed Kaynaan, taas oo uu ku muteestay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay intii uu ahaa xog-hayaha xafiiska. Wuxuuna ku dhiiri galiyay in uu ugu faa’iideeyo aqoonta iyo waayo aragmida uu leeyahay dalkiisa.

sagootin-3 sagootin-4 sagootin-2 sagootin-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment