828 Views

Shacabka Somaliland oo saakay u dareeraya codbixinta doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka

Shacabka  Somaliland oo saakay  u dareeraya codbixinta doorashooyinka  wakiillada iyo deegaanka
____________________________________________________________________________

2021May 31 2021

Dadweynaha Somaliland ayaa saacado kadib u dareeraya codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo dhacaya maanta 31 May 2021.

Doorashada waxaa u diiwaangashan dad ka badan hal malyan (1,065,846) iyadoo codadka laga dhiiban doono 2,709 goobood, waxaana ku tartamaya 552 musharax oo golayaasha deegaanka ah iyo 246 oo ah golaha wakiillada, kuwaas oo ka kala socda saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani.

Haweenka oo Baarlamaanka Somaliland ee hadda jira ku leh hal xubin ayaa doorashadan rajeynaya in ay helaan tiro in taas ka badan, waxayna sameeyeen olole loogu magacdaray ‘Hiil Haween’ waxaana maanta u tartamaya musharaxiin dhowra.

Doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland waxaa goob-joog ka ah 30 kor-jooge oo ka socda 10 dal oo kamid ah qaaradda Afrika.

Isu socodka gaadiidka Somaliland ayaa la joojiyay laga bilaabo 4:00am subaxbimo ilaa 6:00pm fiidnimo, marka laga reebo kuwo guddiga doorashada.

Golaha Wakiiladda Somaliland

Golaha Wakiiladda Somaliland ee hadda jooga waa 82 xubnood waxaana la doortay bishii sagaalaad 2005, waxay ahayd in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo ku ekeyd 2010, laakiin waxaa muddo kordhin loo sameeyey lix jeer, oo u dhiganta 12 sano oo kordhin ah.

Markii ugu horeysay waxaa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013. Markii labaad waxaa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015. Markii saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017.

Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga ekeyd 28/4/2019. Markii shanaad ayaaa loo kordhiyey 28/4/209 kagana ekeyd 12/1/2020. Markii lixaad-na waxaa loo kordhiyey labo sannadood oo ka bilaamaysay 12/1/2020, kuna eg 12/1/2022.

Golayaasha deegaanka Somaliland

Sagaashamaadkiii degmooyinka Somaliland waxaa maamuli jiray guddoomiyeyaal iyo ku xigeeno ay soo magacawdo dawladda dhexe, balse sanadkii 2001 ayaa shacabka Somaliland u codeeyeen dastuur cusub oo dhigaya in degmo walba doorato gole deegaan oo iska dhexdoorta guddoomiye iyo ku xigeen.

Golayaasha deegaanka ee hadda jooga degmoooyinka Somaliland ayaa la soo doortay sannadkii 2012-ka, waxaana shantii sanno ee la doortay ay ku ekayd sannadkii 2017kii, waxayna joogaan 5 sano oo dheeriya.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post