972 Views

Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn uu ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn uu ka fuliyay Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 10  2020–War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 9-kii Bishaan July duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanka Hantiwadaag oo 12km u jira degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal Xubin oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana ay ku burburiyeen Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab waa sida hadalka u dhigay.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Warkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa kusoo aadaya xilli Mareykanka uu hakiyay todobaadyadii la soo dhaafay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya oo mararka qaar ay ku waxyeeloobaan dad Shacab ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post