972 Views

Cudurka Coronavirus oo mar kale ku soo laba kacleeyay dalka Shiinaha

Cudurka Coronavirus oo mar kale ku soo laba kacleeyay dalka Shiinaha
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 11 2020–Dalka Shiinaha waxaa mar kale sare u kacday tirada uu soo ridanayo cudurka Corona ka dib markii Isniinta maanta ah dalkaas laga diiwaangaliyay 17 kiis oo cusub.

Shan ka mid ah kiisaskan ayaa waxaa laga diiwaangaliyay magaaalada Wuhan .

Magaaladan oo ah goobtii uu cudurka Covid-19 ka soo bilaabmay ayaa waxaa kiisaskani ay yihiin kuwa ka dashay gudaha magaalada oo aan meel kale uga iman.

Waa tiradii ugu badnayd oo laga helo Wuhang tan iyo intii shaaca laga qaaday in cudurka laga soo afjara magaaladaasi.

Saraakiisha caafimaada ayaa rumaysan in 5 kiis ee la helay ay yihiin shaqsiyaad hal goob ku nool.

Magaalada Wuhan oo xudun u ahayd cudurka Corona ayaan dhowr maalmood wax kiisas ah laga soo sheegin.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment