2556 Views

Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 2, 2018 –   Guud ahaan xarunta degmada Howlwadaag ayaa burburtay ka dib Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ku dhex qarxay xarunta degmada Howlwadaag.

Nooca gaariga qarxay ayaa lagu sheegay PRADO.

Dad ka badan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, waxaana sidoo kale dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Waali waxaa socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay waxyeellado soo gaartay, Maadaama qaraxu uu ahaa Mid xooggan.

Xarunta degmada xilliga Qaraxa lala eegtay, waxaa ka socday Shaqooyinka maalinlaha ah ee bulshadda kunool degmada loo qabto.

Qaraxa ayaa sidoo kale burburiyay guryo ka agdhawaa goobta, waxaana ka dhashay sidoo kale Khasaare dhaawac u badan.

qarax-deg-howlwadaag-5 qarax-deg-howlwadaag-4 qarax-deg-howlwadaag-2 qarax-deg-howlwadaag-3 qarax-deg-howlwadaag-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment