1635 Views

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Shacabka ?

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2018 —Kulanka 20-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka oo ay goobjoog ahaayeen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana mar kale looga dooday wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

Qodobada ay xildhibaanada ka doodeen ayaa waxaa ka mid ahaa ilaalada madaxda imaaneysa xarunta golaha shacabka iyo hubka ay wataan, sidoo kale qodob ka hadlaayay waqtiga ay qaadaneyso saxiixa madaxweynaha ee la xiriira hindise sharciyeedyada loo gudbiyo iyo waqtiga xukuumadda ku soo gudbin karto hindise sharciyeed.

Xildhibaanada ayaa soo bandhigay talooyin iyo fikrado la xiriira qodobada ku jira xeer hoosaadka golaha shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in xildhibaanada loogu baahan yahay iney si taxadar leh u aqriyaan dhamaan xeer hoosaadka golaha shacabka.

Guddoomiye Mahad ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah oo masuuliyad leh looga doodo wax ka badalka xeer hoosaadka golaha lagu sameynayo.

“Waxaa soo jeedinayaa in qodob qodob loo soo aqriyo xeer hoosaadka maadaama uu muhiim u yahay howlaha golaha, waxa idiinka codsanaya mudanayaal inad guddiga kala shaqeysaan sidii loo soo saari lahaa xeer hoosaad muhiim noo wada ah”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in dooda xildhibaanada ay sii socon doonto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment