1203 Views

Dhoofinta Muuska oo afar sano kadib dib looga bilaabay dalka Soomaaliya

Dhoofinta Muuska oo afar sano kadib dib looga bilaabay dalka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 27- 2019 –Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ay wehlinayeen Wasiir ku xigeenka Dekedaha, gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga, Xubno ka socday mashruuca GEEL , ganacsato iyo masuuliyiin kale ayaa maanta muddo afar sano ah kadib si rasmiya u daahfuray dhoofinta mooska oo kamidah dalagyada wax soo saar ee ugu badan ee dalkeena laga dhoofin jiray loona iibgeyn jiray dalal kala duwan, iyadoo laba konteenar oo horudhaca ama tijaabo ah oo ay hubinta tayadooda iska kaashadeyn Wasaaradda Beeraha iyo Shirkadda GEEL Project ay ganacsato Soomaaliyeed oo kaashanaya wasaaradda beeraha u dhoofiyeen dalka Sacuudiga.

 

 

 

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Mudane, Saciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabadda daahfurka dhoofinta Mooska oo ka dhacday Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shaqadan ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladu ku Dhiirigalineyso wax soo saarka dalka, wuxuuna beeraleyda Soomaaliyeed ugu baaqay inay kordhiyaan wax soo saarkooda si uu dalku u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

 

 

 

Mooska oo ka mida dalagyada wax soosaar ee ugu badan ee dalkeena laga dhoofin jiray ayeey soo celinta iibgeentiisu waxey faa’iida weyn u tahay dhaqaalaha dalkeenna oo hadda ku jira soo kabasho wanaagsan.

 

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment