924 Views

C/Kariin Guuleed”Waa ayaan darro in dowladda guluf dagaal ka abuurto Gedo”

C/Kariin Guuleed”Waa ayaan darro in dowladda guluf dagaal ka abuurto Gedo”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Madaxweynihii hore ee Dowlad goboleedka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya waxaa uu ku dhaliiley Ciidamada faraha badan oo ay kusii daabuleyso degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

 

Guuleed ayaa Qoraal uu soo dhigey Bartiisa facebok waxaa uu ku sheegay inay ayaan daro tahay in dowladda Soomaaliya halkii ay dagaal la geli laheyd Al-Shabaab inay dagaal sokeeye ka abaabusho Gobolka Gedo.

 

 

 

“Waa ayaan daro in dowladda Soomaaliyeed halkii laga sugayey in awoodda ciidan ee ay heyso u abaabusho una diyaariso dhankaas iyo ladagaalanka kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay abaabul iyo guluf dagaal ka wado degmooyin ka tirsan gobalka Gedo, si ay oga bixiso gacan ku heynta maamulka Jubaland ayuu yiri” C/Kariin Guuleed.

 

Waxaa uu sheegay Cabdi Kariim guuleed in tallaabada ay Dwladda Soomaaliya ay ciidamada ugu daabuleyso Gobolka Gedo aysan aheyn mid laga filaayey,isla markaana taasi ay tahay arrin abuureyso colaad iyo iska horkeen bulsho, fursadna siineysa Al-Shabaab.

 

Ugu dambeyn waxaa u ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay joojiso abaabulka ay ka wado degmooyinka Gobolka Gedo,isla markaana waxii is afgaranwaa ah ee kala dhaxeeya maamulka Jubalandna ku xaliso wadahal iyo is faham.

 

Haddaba dowladda waxaan u soo jeedineynaa inay arinkaas joojiso, waxii is afgaranwaa ah ee kala dhaxeeya maamulka Jubalandna ku xaliso wadahal iyo is faham, halkii xoog, xoolo iyo wiilal lagu khasaarin lahaa dagaal dhexdeena ahna loo wajaho awoodda ciidan iyo cududeed dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Siyaasiyiin badan ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ay ku dhaliileen abaabulka ay ka wado gobolka Gedo iyo Ciidamada faraha badan oo ay geysay,iyada oo Wasaaradda Amniga Soomaaliya weli aysan faah faahin sababaha Ciidamada logu daabulayo Gobolka Gedo.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment