999 Views

Wasiir ku xigeenka Haweenka Puntland oo uga digtay Culimaa’udiinka in ay hor istaag ku sameeyaan Haweenka

Wasiir ku xigeenka Haweenka  Puntland oo  uga digtay Culimaa’udiinka in ay hor istaag ku sameeyaan Haweenka
____________________________________________________________________________

Axad: July 11, 2021

Wasiir ku xigeenka Haweenka dowladda Puntland, Sahra-kiin Cabdi Xirsi, ayaa si adag uga digtay Culimaa’udiinka in ay hor istaag ku sameeyaan Haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay muujiyaan hankooda Siyaasadeed.

Marwo Sahra-kiin, ayaa sheegtay in Culimadu aysan ka hadlin Gabdhaha duruufaysan ee Jaadka ku iibiya dariiqyada, islamarkaana dhex fadhiya boqollaalka nin, balse ay Diinta ka hadlaan markii Gabadhu siyaasad ka hadasho.

Gabdhaha daruuftu ku kaliftay inay banaanka jaad ku iibiyaan ntaas oo nin dhexda uga jiraan oo ay dhici karto in ay tacadi kala kulanto culumadu kama hadasho” ayay tiri Wasiirka.

Hasa yeeshee marka gabadhu tiraahdo talada waan wada leenahaye miiska aan wada fariisano waxaa lagu leeyahay diinta kuuma ogolee gurigaaga fadhi.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post