1089 Views

Wado Laami ah oo isku xirta jidka 30-ka iyo Laamiga Garawe oo xariga laga jaray

Wado Laami ah oo isku xirta jidka 30-ka iyo Laamiga Garawe oo xariga laga jaray
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Wadada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee Garoowe ku xira magaalooyinka kale ee Puntland.

Wadadan cusub ee laamiga ah ayaa kharashka ku baxay waxaa dhammaantiis bixisay maamulka Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo Madaxweyne Deni dhaggax dhigay 7-dii bishii June 2021.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay xarig jarka wadadan ayaa sheegay in maamulkiisa xooga saarayo dhismaha wadooyinka si sare loogu qaado bilicda caasimada Garawe iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

Maamulka Puntland ayaa dhisay wadooyin badan oo laami ah oo laga hirgaliyay magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi, waxaana inta badan dhaqaalaha ku baxay dhismaha wadooyinkaasi bixiyya Hay’addo halka maamulkana qaarkood dhiibeen.

Office Nairobi Kenya      

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post