909 Views

Wasiirda caafimaadka Soomaaliya oo Digniin ka soo saartay faafitaanka cudurka Covid-19

Wasiirda caafimaadka Soomaaliya oo Digniin ka soo saartay faafitaanka cudurka Covid-19
____________________________________________________________________________

 Feb 16, 2021

Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa digniin culus kasoo saartay halista faafitaanka cudurka Covid-19 oo mar kale soo labo kacleeyay.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay, marka loo eego tiro-koob la sameeyay bishaan in ay muuqato in cudurku saa’id u faafayo ayna jirto dhimasho hor leh.

Drs. Fowsiyo ayaa sidoo kale Bulshadda la wadaagtay talooyin muhiim ah oo ah in ay ka dheereeadaan meelaha saxmada leh iyo ku dadaalida nadaafadda iyo in ay Bulshadu isticmaasho Afxirka xiliyada Kulamada, Shirarka iyo Meelaha laga raaco gawaarida.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post