1026 Views

Maamulka degaanka janaale oo digniin soo saaray

Maamulka degaanka janaale oo digniin soo saaray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 10  2020–Maamulka degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo kaashanaya Ciidamada dowladda ee ku sugan degaankaas ayaa waxaa ay goob fagaaro ah ku gubeen jaad ( qaad) farabadan oo la geliyay degeenkaas,kaa soo maamulka ay sheegeen inay horay u mamnuuceen.

Goobta qaadka lagu gubay ayaa waxaa ku sugnaa Maamulka degaanka iyo Saraakiisha Ciidamaa waxaana ay ka digeen in degaanka si sharci darro ah qaad lagu soo geliyo, iyaga o sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan dadka keena.

Guddoomiyaha degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in marnaba maamulka uusan ogolaaneyn in degaanka la soo geliyo jaadka (qaadka) oo uu sheegay in uu ka qeyb qaadanayo falal amni darro.

Waxaa uu sheegay in jaadka ay Ganacsatada qarkood ay doonayaan in ay ku mashquuliyaan Ciidamada difaacyada ku jira e dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,taasina ay maaulka ka digayaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post