1017 Views

Taliye Khaliif” Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa in Bac la isku dhalaaliyo”

Taliye Khaliif” Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa in Bac la isku dhalaaliyo”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 30-2020-Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ay ka jiraan falal amni darro, kuwaas oo ay geystaan rag hubeysan oo qaarkod ay yihiin maleeshiyaad.

Waxaa uu sheegay in Rag ku labisan Dareeska Ciidanka oo kala dhiman iyo Dhar Shacba ah ay falalka amni darro geysanayaan,isla markaana dhacdooyin xanuun badan oo dil uu ka mid yahay ay geystaan raggaasi.

“Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa heer in Jawaan la is galiyo ka dibna Bac la isku dhalaaliyo,waxaa dhibkaas geysanaya waa rag wata dareeska ciidanka oo kala dhiman,waana muhiim in la sugo amniga degmada ayuu yiri” Taliye Khaliif.

Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ugu baaqay Shacabka degmada Kaaraan inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga,isla markaana la haayo kiisas badan oo la xiriira dilal iyo dhac ay geysteen rag hubeysan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post