1125 Views

SAWIRO:-Diyaarado buufinta Ayaxa ka bilaabay Puntland

SAWIRO:-Diyaarado buufinta Ayaxa ka bilaabay Puntland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 19 2020–Diyaaradahaan oo dhawaan Dowladda Soomaaliya ay Puntland ku wareejisay ayaa waxaa ay buufinta Ayaxa Maanta oo Talaado ah ka bilaabeen deegaanka Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.

Degaanka ay buufinta ka bilaabeen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhibaato daran ku haayay Ayaxa,waxaana dadka deegaankaas ay sheegeen in beero badan uu baabi’iyay,isla markaana ay Cabasho u gudbiyeen Madaxda Puntland.

Diyaaradaha buufinta ka bilaabay deegaannada Puntland oo ah laba kamid ah kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopterka ayaa waxaa 15-kii Bishaan ay gaareen Magaalada Garoowe,waxaana Mashruucaas lagu buufinayo Ayaxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Buufinta Ayaxa ee deegaannada ka tiran Puntland ayaa waxaa ay socon doonaan muddo 10 Cisho ah,waxaana sidoo kale ay buufin ka sameyn doonaan deegaannada Maamulada,Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Soomaaliland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment