1794 Views

R/wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Looga Hadlay Qorshaha 2019

R/wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Looga Hadlay Qorshaha 2019
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2019 –  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay guddoomiyay kulanka guddi hoosaaska golaha wasiirrada ee tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay qorshaha tubta ee sannadka 2019.

Kulanka oo qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayay afarta tubood ee lagu jaan joogay shaqo maalmeedka dawladda ayaa ujeedadiisa ugu wayn waxa ay ahayd in la isla garto shaqooyinka u yaalla tubta kuwa ugu mudnaanta badan ee la doonayo in sannadkaan gudihiisa lagu fuliyo.

Daraad ayaa Ra’iisul wasaare Khayre waxa uu sidaan oo kale u guddoomiyay tubta amniga iyo caddaalada, waxa uuna si taas lamid ah la kulmayaa tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada si iyana ay Ra’iisul wasaaraha ugu soo gudbiyaan qorshe howleedkooda 2019.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment