1110 Views

diyaaradaha Maraykanka oo billaabay inay daad gureeyaan diblumaasiyiinta safaaradda Mareykanka ee Kabul

diyaaradaha Maraykanka oo  billaabay inay daad gureeyaan diblumaasiyiinta   safaaradda Mareykanka ee Kabul
____________________________________________________________________________

 

Axad: August 15, 2021

Wararka ka imaanaya Dalka afganistaan ayaa sheegaya in ay gudaha u galeen Xoogaga Taalibaan Gudaha magaalada Kabul saakay waabarigii.ayna  gudaha u galeen xaafado ka tirsan caasimada, ayna isku fidiyeen agagaarka magaalada oo dhan.

Cabsi aad u xoogan ayaa haatan ka taagan Kabul, waxaana sidoo kale la xiray dhammaan xafiisyadii dowladda iyo xarumihii ganacsiga, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Sidoo kale ABC News ayaa ku warrantay in maanta la kiciyey diyaaradaha Mareykanka, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud iyo dagaalka u soo gudbay gudaha magaalada Kabul.

Dhinaca kale diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dhankooda billaabay inay daad gureeyaan diblumaasiyiinta, iyaga oo ku dagaya dhismaha safaaradda Mareykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post