1050 Views

Bulshada Rayidka oo Beesha Caalamka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya

Bulshada Rayidka oo Beesha Caalamka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2019 —Iyadoo dowladda Kenya oo ku howlan tahay sidii ay uga shaqeyn lahayd dhibaataynta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinacyada badda iyo Beriga ayaa arrimahaasi waxaa durba qeylo dhaan ka muujinaya qeybaha kaladuwan ee bulshada Soomaaliyeed,kuwaasi oo ka dhiidhinaya talaabooyinka ay kenya wado.

 

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho,ayna ka qeyb galen ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa siweyn loogu cambaareyeey ficilada guracan oo dowladda Kenya ay u soo maleegeyso shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

Xubnaha halkaasi ka hadlay waxaa kamid ahaa C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow)Xaliimo Jaamac Afrax,Caasho Shaacuur Ugaas,iyo Maxamed Cilmi,dhamaan xubnaha ayaa sheegay in sababta Kenya ay Qaramada Midoobey dalabaadka u h or dhigayso ay tahay in ay fursad u hesho dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

 

geba gebada shirkooda ayaa waxaa ay ka soo saareen baaqyo ay u jeedinayaan Qaramada midoobe oo ay ka dalbanayan in il gaar ah ay ku eegto dhaq dhaqaaqyada ay waddo dowladda Kenya,kuwaasi oo ay ku sheegeen in saldhig ay u yihiin sidii loo curyaamin lahaa danaha umadda Soomaaliyeed.

 

kenya ayaa dhowr jeer waxaa ay burburisay xarumo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed,taasi oo dowladda Soomaaliya ay si kulul u cambaareysay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment