984 Views

Magaalada Guriceel oo saakay ka socta barakicii ugu xumaa ee ka dhaca halkaas sanadahaan

Magaalada Guriceel oo saakay ka socta  barakicii ugu xumaa ee ka dhaca halkaas sanadahaan
____________________________________________________________________________


khamiis: October 14, 2021

Wararka ka imaanaya  degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in saakay uu ka socdo halkaas barakicii ugu xumaa ee maalmihii la soo dhaafay ka socday halkaas.

Barakacaan ayaa yimid kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay soo gaareen Duleedka Guriceel Ciidamo aad u hubeysan oo ka yimid dhinaca Dhuusamareeb oo ah Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug.

Dadka ayaa waxaa ay siweyn uga barakacayaan Xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel iyo Tawakal, waxaana Ciidamada Ahlusunna ay difaacyo ka sameysteen Gudaha iyo daafaha Magaalada.

Sidoo kale Barakacaan Maanta ka billowday degmada Guriceel ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku dhawaadeen degmada Guriceel, isla markaana ay fariisin ka sameysteen degaanka Ceeldheere.

Kala soco Bogan Wixii  ku soo kordha Guriceel

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post