1248 Views

Safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo labo bil kaddib ku laabtay Nairobi

Safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo labo bil kaddib ku laabtay Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 30, 2019 —Safiirka Soomaaliya ee Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa galabta dib ugu laabtay Nairobi, isagoo maalin kaddib dib ugu laabanaya shaqadiisa Diblomaasinimo ee Safaaradda Nairobi.

Amb. Tarsan ayaa caawa fiidkii ka degay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana soo dhoweeyay Howl-wadeeno iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in dib ugu laabashada Nairobi ee Ambassador Tarsan ay ka dambeysay, markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay warqad u qortay dhiggeeda Kenya, isla markaana la fududeeyay waxyaabihii hortaagnaa dib ugu laabashadiisa Nairobi.

 

Todobaadyo ka hor Safiirkii Kenya ee Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii xiriirka labada dal uu caadi ku soo laabtay.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa bartamihii bishii February ku amartay Mr Tarsan inuu dib ugu laabto Muqdisho, halka Safiirkeedii Muqdisho ku amartay inuu dib ugu soo laabto Kenya, kaddib markii uu xumaaday xiriirkii labada dal.

 

Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa caadi ku soo laabtay, kaddib markii si hoose la xaliyay khilaafkii labada dal, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dadaal u galay dhameynta xiisadda Diblomaasiyadeed, waxaana uu labada Madaxweyne isugu geeyay magaalada Nairobi.

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment