1020 Views

Madaxweyne Farmaajo oo tegaya Baraawe & ujeedka oo la shaaciyey

Madaxweyne Farmaajo oo tegaya Baraawe & ujeedka oo la shaaciyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin, March 9, 2020 —Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in Maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo inay safar ku tagaan degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

 

Shalay waxaa tegay degmada Baraawe wufuud horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha iyo qaar kamid ah ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya,kuwaas oo u sii gogol xaaraya socdaalka Madaxweyne Farmaajo.

 

 

 

Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo degmada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay in uu xariga ka jari doono Runwayga ay Diyaaradaha ku degaan ee Garoonka Diyaaradaha Baraawe,kaas oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyey.

 

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa la filayaa in uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineyd oo ay kamid yihiin Xarumo Waxbarasho.

 

Si kastaba Maalma ka hor ayay aheyd markii Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin ay booqasho ku tagtay degmada Baraawe,iyada oo halkaasi ka dhagax-dhigtay sbitaal loogu tala galay daryeelka caafimaad ee Hooyada iyo dhalaanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment