504 Views

Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle oo weerar Afka ah ku qaaday Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle oo weerar Afka ah ku qaaday Farmaajo
____________________________________________________________________________


isniin: January 3, 2022

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay dhacdadii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dhacday 27-kii Bishii December, taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo mucaaradka ay ku tilmaameen inay aheyd afgambi fashilmay.

Waare wuxuu sheegay in tallaabadaas ay aheyd mid aan fududeyn, ayna dhalisay dhowr arrimood oo kusoo siyaasaday Siyaasadda Soomaaliya, sida in Dastuurkii dalka la iska tuuray & in si bareer ah uu sharcigii dalka ugu tuntay Madaxweynaha muddo xileeekiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hadalka Madsxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa kusoo aadaya xilli weli uu jiro kholaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post