660 Views

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga oo ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Hirshabelle

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga oo ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Hirshabelle
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Xili  maalmihii la soo dhaafay dagaalo kooban oo u dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada ka dhaceen maamulka Hirshabeele, ayaa waxaa arintaas ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim oo sheegay in  uu socdo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab gaar ahaan  Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Wasiirka ayaa  sheegay in Ciidanka dowladda howlgalkii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Buulo-burde ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga ayaa sheegay in dagaalo kale oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan Al-shabaab looga qabsaday hub badan oo uu sheegay in  la soo bandhigay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post