975 Views

Agaasime Maxamed Aadan Jimcaale Koofi shaqsi ku dayasho mudan Warbixin kooban Sawiro.

____________________________________________________________________________

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo maalmo  ka hor  Howlo shaqo u  tagay  Magaalooyinka Maamulka Galmudug, ayaa Waxa uu booqashooyin  kala Duwan ku tagay Xarumaha laanta Socdaalka iyo indha indhayn ku aadan sidii uu ula wadaagi lahaa Bulshada Soomaaliyeed ee ku Nool Deegaanadaasi, wax qabadka Hay’adaasi. Iyo xaaladahooda.

Asaga oo ku jira howlahaas shaqo ee Qaranka u igmaday, ayaa hadana waxaa daba socota dhagaysi bulshada kuwooda wayn iyo kuwooda yar, taasi oo Astaan u ah Hogaamiyaha ama qofka shaqo yaqaanka ah in uu la sheekeesto bulshada uu markas shaqada u hayo, taasi oo ka muuqata Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Sid  ka muuqata Sawirkan waxaa uu  Koofi uu la sheekaysanayaa wax garadka deegaanadaas, waxaana laga dareemayaa in uu yahay  shaqsi u Nugul Bulshada , Soomaaliyeed in uu dhageesto  si uu  wax badan uga ogaado xaalada shaqo oo uu Mas’uulka ka yahay iyo in uu ogaado xaaladooda Nololeed ee dadkaasi , taasi oo ah  dhaqanka Soomaalida ay caanka ku ahayd oo ah in la dhageesto Wayeelka dhalinta, si looga Tusaalo qaato Howsha Culus ee markaas qofka uu u hayo Qaranka iyo bulshada uu u shaqeeyo.

Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa waxa uu kulamadaan kula yeeshay dadka Deegaanka Bar-xuudeedka Qeydar ee Gobolka Galguduud, waxa uuna Halkaas kula shaaheeyay dadka deegaanka oo isku jiray dhalinyaro iyo Wax garad.

Isku soo Duuboo Sawirka waxaa ka dareemaysaa in Maxamed aadan uu yahay shaqsi shaqo yaqaan ah, loogana baahan yahay mas’uul kasta oo soomaaliyeed  in uu dhageesto shacabka uu la joogo, oo aysan Noqon in Bulshada Soomaaliyeed baabuur lagu dhex maro oo kaliya.

W/Q:/ Wariye / Abdihakim Elmi Hassan

Email: Cabdixakiin441@hotmail.com

Tel-+254-711830393

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post