1146 Views

Kulamo looga soo horjeedo maamulka Puntland oo ka bilowday gobolka Sanaag

Kulamo looga soo horjeedo maamulka Puntland oo ka bilowday gobolka Sanaag
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 09, 2019–Degmooyin ka mid ah gobolka Sanaag ayaa maanta waxaa ka socda kulamo looga soo horjeedo maamulka Puntland, kulamadaan ayaa ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland  C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed.

 

Odayaasha iyo qeybaha kala duwan bulshada gobolka Sanaag, waxay si cad u sheegeen in aysan ka mid ahaan doonin maamulka Puntland, maadaama Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland oo matalaad ahaan kasoo jeeday gobolka Sanaag si xoog ah xilka looga qaaday.

 

 

 

Gudoomiyihii xilka laga qaaday ayaa dib ugu laabtay gobolka Sanaag, islamarkaana kulamada kala duwan la leh bulshadda gobolka Sanaag.

 

Banaanbaxyo ayaa ka dhacay degmooyinka gobolka Sanaag oo looga soo horjeeday Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay sheegeen dadka degaanka in uu abaabulay qorshihii xilka looga tuuray Gudoomiye Dhoobo.

 

Madaxweynaha Puntland ayay  sheegeen in uusan wixii haatan ka dambeeya ku xisaabtamin gobolka Sanaag kana tashan doonaan xukuumaddiisa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment