843 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame “ Farxaan Qaroole waxaan leeyahay ha Qaban Xilkaas been abuurka ah

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame “ Farxaan Qaroole waxaan leeyahay ha Qaban Xilkaas been abuurka ah
____________________________________________________________________________

April 12-4-2021

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay is-bedalka deg degga ah ee lagu sameeyey hoggaanka taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) in uusan qaaban xilka loo magacaabay ee taliyaha Booliska gobolka Banaadir, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay xil gumeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ‘inuu dhacay gabalka’ madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, loogana baahan yahay in uusan maqlin warkiisa.

“Ha qaadan xil gumeed, hana maqlin warka hoggaamiye kooxeed Farmaajo. Ninkaas gabalkiisa waa dhacay,” ayuu yiri Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Is-bedalka deg-degga ah ee lagu sameeyey taliska gobolka Banaadir, ayaa yimid kadib saacado uun markii shaaciyey Saadaq Joon im uu joojiyey kulankii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in looga doodo mooshin ku aadan muranka hareeyey doorashooyinka.

Xaaladda soo korortay ayaa uga sii dareysa is mari-waaga taagan doorashooyinka 2021-ka iyo khilaafka siyaasadeed ee weli ka jira dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post