504 Views

Xeer ilaaliyaal cusub oo tababar loo furay

Xeer ilaaliyaal cusub oo tababar loo furay
____________________________________________________________________________


sabti january 22, 2022

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta si wada jir ah tababar ugu furay Xeer ilaaliyayaasha cusub ee loo qaatay in ay ka mid noqdaan ku-xigeennada Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, kuwaas oo ka soo gudbay ku dhawaad 200 oo soo codsaday.

Tababarkan oo uu soo agaasimay Machadka Tababarka Garsoorka ayaa waxaa uu socon doonnaa mudo 2 bilood ah, iyadoo lagu qaadan doono aqoon la xiriirta sharciyada dalka u yaala si maqal iyo muuqaalba leh oo ay sameyn doonaan ka qeybgalayaasha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa sheegay in Xeer ilaaliyayaasha cusub ee loo qaatay in ay ka mid noqdaan ku-xigeennada Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ay yihiin dhalinyaro dalka wax u qaban doona.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post