1173 Views

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday gaari marayay duleedka degmada Balcad

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday gaari marayay duleedka degmada Balcad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerar dabley hubeysan ay xalay ku qaadeen gaari marayay duleedka galbeed ee magaalada Balcad halkaas oo dad rayid ah ay ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen.

 

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in afar ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan labo dumar ah oo saarnaa gaariga ay ku dhinteen weerarkan oo ka dhacay meel ku dhow deegaanka Xaanshooley.

 

Sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka dableyda hubeysan ee weerartay gaarigan ayaa ka shakiyay gaariga oo xilli habeenimo ah socday isla markaana uu istaagi waayay kadib markii ay ku amreen inuu istaago.

 

Dhinaca kale iska horimaad hubeysan oo ku dhex maray deegaan u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe maleeshiyo hubeysan ayaa sababtay geerida labo ruux  kadib markii muran ka dhashay lahaanshaha dhulka.

 

Oday dhaqameedyada deegaanka ayaa wada   dadaalo ay ku qaboojinayaan xiisada sababtay geerida labada ruux.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment