306 Views

Kenya iyo Cuba oo ka wadahadlayo dhaqaatiir u dhalatay Guba oo dalka Kenya

Kenya iyo Cuba oo ka wadahadlayo dhaqaatiir u dhalatay Guba oo dalka Kenya
____________________________________________________________________________


Isniin:? July 4, 2022

Madaxweynaha Kenya Uhuru  Kenyatta  ayaa kulan kula qaatay madaxtooyada Kenya wasiirkka wasaaradda arrimaha Dibadda Cuba Bruno  Rodriguez Parrilla  iyagoo kulankooda kaga hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee kadhaxeeya labada waddan  iyo sidoo kale sidii xal loogu heli lahaa dhaqaatiir udhashay dalka Cuba kuwaas oo ay afduubteen Alshabaab.

Uhuru kenyata oo lahadlay wargeyska The STAR  ee kasoo baxa Kenya ayaa xusay in xukuumaddiisa         ay go,antahay in laxaqiijiyo helitaanka dhaqaatiirta la afduubtay iyaga oo nabad qaba isagoo intaas kudaray in Kenya ay kawalaacsantahay xaaladda dhaqaatiirta kuwaasi oo inkabadan  4 sano kujira Alshabaab.

Surgeon  Landy  Rodriguez   Assel Harrera Correa oo ah dhaqaatiirta cuubaanka ah ayaa waxaa laga afduubay magaalada Mandera oo dhacda waqooyi bari Dalka Kenya  iyadoo Kenya iyo cuba ay kawalaacsanyihiin sidii loo heli lahaa dhaqaatiirtan iyaga oo bad qaba

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post