261 Views

Dagaal culus oo ka qarxay Hiiraan saakay iyo wararkii ugu dambeeyey ee Dagaalkaas Alshabaab oo Deegaano lagala wareegay

Dagaal culus oo ka qarxay Hiiraan saakay  iyo wararkii ugu dambeeyey ee Dagaalkaas Alshabaab oo Deegaano lagala wareegay
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 6, 2022

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeya ciidamada huwanta iyo sidoo kale xoogaga Al-Shabaab.

Dagaalka oo weli socdo ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanno dhaca jinka webiga, islamarkaana hoostaga Beledweyne.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadu ay gaareen deegaanada Baareey iyo Dhoqor oo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana ka socdo dagaal xoogan.

Sidoo kale ciidamada ayaa u suuragashay inay burburiyaan doomo ay isticmaalayeen dagaalyahanada lagu weeraray deegaankaas, kuwaas oo uga gudbi jireen webiga.

https://fe99aa8605267ff2f4d350170f5367cd.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-39/html/container.html Saraakiisha dowladda ayaa shaaciyey in ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan halkaasi, iyaga oo tilmaamay inay ka warbixin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

\Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la soo warinayaa inuu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post