1296 Views

SAWIRO:-Shirka Maalgashiga Puntland oo Goordhow Furmay

SAWIRO:-Shirka Maalgashiga Puntland oo Goordhow Furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15 2019 —Shirka Maalgashiga Maamulka Puntland ayaa goordhow waxaa uu ka furmay caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana ka qayb-gelaya Maalgashadayaal caalami ah, Ganacsato Soomaaliyeed, siyaasiyiin, Hay’addo caalami ah iyo masuuliyiin kale.

 

Shirka ayaa waxaa furay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ka qayb-geli doona Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad iyo Labaad ee Golaha Wakiilada Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Puntland.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in shirka uu khudbad ka jeediyo,isaga oo kaga hadli doono meelaha Puntland ay dooneyso in laga maalgashto & qodobo kale.

 

Ammaanka Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Maanta siweyn halkaasi looga dareemayaan  shirka Maalgashiga Puntland oo Maanta ka furmay Magalada Garoowe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment