1479 Views

SAWIRO:-Maamulka Jubbaland oo kulan ka yeeshay Shirka Magalada Garoowe

SAWIRO:-Maamulka Jubbaland oo kulan ka yeeshay Shirka Magalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 09, 2019 –Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Golaha wasiirada Maamulkaas,iyada oo kulanka ay uga hadleen arrimo dhowr ah oop ka jira deegaanada Jubbaland.

 

Kulanka waxaa shir guddoominaayey Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka labaad Cabdiqadir Xaaji Maxamuud,,waxaana diirada lagu saarayarrimo ay ka mid yihiin Amniga,Abaarahasiyaasada iyo sidoo gargaar loo gaarsiin lahaa dadka abaartu saameysay eek u nool deegaanada Jubbaland.

 

Sidoo kale intii uu kulanka socday ayaa waxaa shirka shirka warbixinno looga dhegaystay wasaaradaha Waxbarahsada, Arrrimaha gudaha, Amniga iyo Howlaha guud iyo Guryeynta,waxaana Wasaaradaha badi ay soo bandhigeen waxqabadkoodii todobaadkaan.

 

Wasiirada Jubbaland ayaa shirkooda sidoo kale waxa ay ku ku bogaadiyeen shirka wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Garoowe, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen miro dhalka shirkaasi,iyaga oo geba-gabadii dalbaday in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay abaartu saameysay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment