759 Views

Muuqaalkii Malabsade ee Prunk oo isku badalay Xabsi

Muuqaalkii  Malabsade ee Prunk oo isku badalay Xabsi
____________________________________________________________________________

Khamiis 11 /2/ 2021

 Ciidamada booliska gobalka Banaadir ayaa soo qabtay wiil dhallinyaro ah oo loo garan ogyahay Malabsade, kaasi oo baraha bulshada kasoo muuqday isaga iyo saddex gabdhood oo sheegay in ay is xaaskiisa yihiin, islamarkaana ay ku nool yihiin hal guri. 

Taliska qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir ayaa bixiyay amarka lagu soo qabtay wiilkaan iyo gabdhihii la sameeyay sheekada beenta ah, waxaana la sheegay in la baarayo. 

Mid ka mid ah Telefishinada Soomaalida ayaa baahiyay muuqaalka Malabsade oo sheegay been ah in uu qabo saddexda gabdhood islamarkaana ay ku nool laba qol, iyadoo saacado kadib baahinta warkaas ay been noqotay sheekadii. 

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa aad isu weydiiyay sababta keentay beenta ay sheegeen, hase yeeshee markale oo la wareestay waxay sababtu ku sheegeen in ay rabeen in ay caan noqdaan. 

Sidoo kale arintaan lagu sheegay  Prunk ayyaa noqotay beentii ugu daawashada badneed 72 saac ee la soo dhafay gaar ahaan aadka looga hadal hayo magaalada Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post