960 Views

Ciidanka Danab oo dilay horjoogihii Jabhadaha Hiiraan iyo 60 dhagarqabe

Ciidanka Danab oo dilay horjoogihii Jabhadaha Hiiraan iyo 60 dhagarqabe
____________________________________________________________________________

 Talaado February 22, 2022

Horjoogihii Jabhadaha ee argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Hiiraan iyo 60 dhagarqabe oo kale ayaa maanta lagu dilay howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ay ka fuliyeen deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga, Shiinaha iyo Burcadheer oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan ayaa hoggaaminayey howlgalkaan oo ururka 7-aad ee kumaandooska Danab ay fuliyeen, ciidanka ayaa burburiyey xarumo qaraxyada ay ku farsameyn jireen Nabadiidka Al-Shabaab, sidoo kalena ay dadka shacabka ah uga uruursa jireen lacago baad ah.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post