528 Views

Dadaalo lagu doonayo in guddiga qiimeynta xaalada Garbahaarey ay ku tagaan

Dadaalo lagu doonayo in guddiga qiimeynta xaalada Garbahaarey ay ku tagaan
____________________________________________________________________________

Isniin: March 7, 2022

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ay ku tagayaan Guddiga Qiimeynta degaan doorashada labaad ee Jubaland, kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu ka dhashay dood la xiriirta in guddi qiimeyn ah aysan imaan Karin magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in R/Wasaare Rooble uu khadka taleefoonka uu  kula hadlay  Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi isago oo ka dalbaday in Guddiga lagu soo dhaweeyo magalaada ayna ka sameyaan Qiimeynta doorashada.

Kulamo badan oo ay yesheen saraakiisha Amniga iyo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ayaa looga hadlay imaanshaha wefdiga,, inkastoo kulamadaasi aan xal laga gaarin.

Guddiga ayaa la sheegay in ay tagi doonaan magaalada Garbaahrey ee Gobolka Gedo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post