297 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Booqday Xarunta Agoonta Booliska

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Oo Booqday Xarunta Agoonta Booliska
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 27, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed booqday si uu ugu kuurgalo xaalada nololeed ee Carruurtaasi, iyadoo sidoo kale Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar xaruntaasi ka fuliyeen baaris Caafimaad oo loo sameeyay Carruurta Agoonta Booliska.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Carruurta Agoonta Booliska ku beeray geed dhireed, taasi oo qeyb ka ah Mashruuca Soomaaliyada Cagaaran ee uu dhawaan daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post