933 Views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 28, 2021
—Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada muqdisho ayaa Maanta waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa kusoo dhaweeyay, mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xub no ka tirsan labada Gole iyo Saraakiil ciidan.

Safarka Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ku tegay magaalada Jowhar ayaa ahaa mid deg deg ah, xilli lagu wado in saacadaha soo socda uu halkaasi tago Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa Magalada muqdisho, waxaana kulamo looga hadlayo doorashooyinka uu la qaatay, Madax ka tirsan dowladda, Dowlad goboleedyada, Midowga Musharixiinta & Beesha Caalamka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post